Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay in Madaxweyne Donald Trump uu isticmaali karo sharci si aan caadi ahayn oo si degdeg ah loogu masaafurinayo shakhsiyaadka ku lugta leh shabakadaha budhcadda.
Hadda ka hor, maxkamadda hoose ayaa si ku meelgaadh ah u hakisay masaafurinta shaqsiyaadka lagu eedeeyay in ay yihiin xubno ka mid ah budhcadda reer Venezuela ee loo masaafurin lahaa El Salvador badhtamiha bishii la soo dhaafay, iyadoo xukuntay in ficillada ku salaysan Sharciga Ajaanibta ee 1798 ay u baahan yihiin in dib-u-eegis lagu sameeyo.
Trump ayaa hore ugu eedeeyay in muhaajiriintaasi ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda Tren de Aragua oo “dagaal aan joogto ahayn” ku haya Maraykanka, sidaas darteedna la tarxiili karo iyadoo la adeegsanayo sharcigan. Inkastoo maamulka uu sheeganayo in xukunka uu guul yahay, garsoorayaashu waxay waajib ka dhigeen in dadka la masaafurinayo la siiyo fursad sharci ah oo ay isku difaacaan.