Trump oo dib ugu soo laabanaya baraha bulshada

Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan dib ugu soo laabanaya  isticmaalka baraha bulshada, sida uu sheegay la taliyihiisa.

Trump wuxuu dib u furan doonaan boggag isaga u gaar ah.

“Waxaan filayaa in madaxweyne Trump uu dib ugu soo laaban doono baraha bulshada muddo labo ama saddex bilood gudahood” ayuu yiri Jason Miller oo la hadlayay warbaahinta Fox News.

Wuxuu sheegay in boggagaas ay noqon doonaan kuwo looga hadli doono arrimo muhiim ah oo wax ka baddali doono ciyaarta.

Trump ayaa laga joojiyay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka iyo Facebook kadib rabshadihii 6-dii bishii January ka dhacay xarunta Capitol ee magaalada Washington DC.

Tageerayaasha Trump ayaa dibadbaxyo rabshado watay ka sameeyay halkaas, waxaana ku dhintay shan qof oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah.

Maalmo kadib, shirkadda waxay Trump ka joojisay isticmaalka bartaas kadib cabsi laga qabo in qoraalladiisa ay huriyaan qalalaaso.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com