Tiradda dhimashada Cudurka Corona Virus ee Mareykanka oo gaartay 22,106

Mareykanka ayaa hadda ka sarra maray Talyaaniga tirada ugu badan ee dhimashada coronavirus adduunka oo dhan.

Xogtii ugu dambeysay, oo ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins, waxay muujineysaa in ka badan 22,106 qof oo ku nool Mareykanka in ay dhinteen.

Guul-darrada naxdinta leh ayaa timid waxyar uun ka dib markii Mareykanku noqday waddankii ugu horreeyay ee diiwaangeliya in ka badan 2,000 oo dhimasho ah hal maalin gudaheed.

Waxaa ay sidoo kale noqoneysaa tiraddii ugu badneyd ee taariikhda hal dal u dhimata Corona Virus  tan iyo markii dhamaadkii 2019-kii uu kasoo bilowday Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Tirada guud ee dhimashada Mareykanka gaareysa 22,106, tiradda ka bogsatay 41,730, tiradda guud waa 561,103  sidda ay ku warantay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 2 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay Nus Milyan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com