Tirada dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay Caronavirus oo la shaaciyay

Muqdisho: Dalka Talyaaniga ayaa noqday dalka ugu daran uu saameeyay cudurkan faafa ee Caronavirus, waxaana shalay kaliya dalkaasi la xaqiijiyay in cudurkan ay ugu geeriyoodeen dad ku dhaw 800-oo qof.

Dadka ugu badan ee u dhintay Cudurka Caronavirus ayaa kunoolaa dalka Talyaaniga, waxaana la xaqiijiyay in Talyaaniga kaliya Caronavirus ugu dhinteen ku dhawaan 5-Kun oo qof , waxaana dalka kusoo xiga Talyaaniga noqday Shiinaha uu kasoo bilowday Cudurkan.

Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa xaqiijisay in guud ahaa dadka u dhintay Cudurka Caronavirus ay gaarayaan 12,895 oo ku kala noolaa wadamo badan oo caalamka kamid ah , halka dadka uu haleelay cudurkan gaareen 300,097  qof.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com