Tirada Dadka u dhimanaya Covid19 Dalka oo sii korortay

Waxaa kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

“Si loo xakameeyo faafidda cudurka Covid-19, waa in wasaaradda caafimaadka ay qasab ka dhigto xirashada maaskaraha. Waa inay muddo laba todobaad ah karantiisho dadka ka soo safra UK, maadaama Soomaaliya aysan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay UK. Todobaadkan, laba qof oo UK ka yimid, lagana helay cudurka ayaa u dhintay,” ayuu sheegay xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dalka ay keeneyso tallaalka si looga hortaggo cudurka.

Agaasimaha Cisbtaal Martiini Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo sidoo kale ah madaxa la dagaallanka cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore BBC u sheegay inay diiwaangeliyeen tiradii ugu badneyd ee uu cudurka ku dhacay muddo lix bilood gudahood.

“Usbuucan aan hadda ku jirno iyo isbuuci la soo dhaafay tiradii ugu badneyd ee aan helnay ayay noqotay muddo lix bilood ah. Agoosto sanadkiii hore ayaa inoogu dambeysay xaalado sidan oo kale ah”

Wuxuu intaas ku daray in haatan uu cudurka ku soo labo kacleeyay dalka taasina ay ugu wacan tahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin in xuduudaha dalka ay furan yihiin iyo dadka oo aan u hoggaansamin talooyinka ka hortagga cudurka.

Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje oo kamid ah guddiga dowladda ay u xilsaartay dedaallada looga hortagayo cudurka Covid-19 ayaa sheegay in tirada kiisaska cudurka ay diiwaangeliyeen bishan ay sare u kacday marka loo barbardhigo bilihii hore.

“In cudurkii Covid-19 uu soo laba kacleeyay oo welib xoog usoo laba kacleeyay waxaa caddeyn u ah marka aan is barbardhigno bishii January iyo February. February koowdeedii ilaa 11-kii tiradii laga helay waxa ay korortay boqolkiiba 52,” ayuu yiri Dr Fuje oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Wuxuu shacabka kula taliyay inay raacaan talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka Covid-19.

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa dhanka kale sharraxaad ka bixiyay sababaha loo maleynayo in cudurka uu kusoo laabto Soomaaliya xilli dalka uu ka taagan yahay khilaafka ku aadan hannaanka doorashada.

“Dadkii oo markii hore iska iloobay jiritaanka xanuunkan ayaa sabab u ah. Waxaan habayaraatee hirgalin ama dhaqangelin tallaabooyinka lagu xakameeyo fiditaanka xannuunkan, oo isu socodka ayaa sidiisii u socda, dadku ma xirtaan af-gashiga, gacan qaadka aad buu u badan yahay, goobaha la isugu yimaado waa la buux dhaafiyay, taas waxay aad u sahashay inuu degdeg u faafo xanuunkan iyo inuu gaaro dadka nugul ee uu soo ridanayo,” ayuu yiri dhakhtarka.

Dowladda Soomaaliya waxay dhawaan sheegtay in tallaalka la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay, Booliska, macalimiinta iyo shaqaalaha dowladaha hoose. dadka da’doodu ka weyn tahay 50 sano iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com