Tirada Dadka Cudurka Covid19 ugu geeriyooday Talyaaniga oo korortay

Dowladda Talyaaniga waxay shalay diiwaan geliyeen tiradii ugu badnayd oo ay muddo 24-saacdood dad ugu geeriyoodaan Caabuqaasi, waxayna dhimashada maalintii Jimcaha ee shalay gaartay 969 qof.

Madaxweynaha dalkaasi, Sergiyo Mattarella waxa uu sheegay inuu dalkiisa ku nool yahay Bog Tiiraanyo u ah Taariikhda dalkooda, kadib, markii la diiwaan geliyey inay guud ahaan Talyaaniga  8,165 qof ugu geeriyootay Cuddurkaasi.

Dhinaca kale, Dalka Spain waxay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay dhimashadu gaartay 769 qof, halka dalka Faransiiska la arkay inay dhimashadu gaartay 299 qof.

Dalka Maraykanka waxaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la diiwan geliyey inay ugu yaraan 400 oo qof u geeriyootay Caabuqaasi, halka tirada guud ee dhimashada ee dalkaasi kor u dhaaftay 1,700 oo qof.