Tifaftirihii TV-ga Qaranka oo xilka laga qaaday .

Wareegto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa xilka looga qaaday tifaftirihii TV-ga Qaranka Faysal Muuse Maxamed.

Waxaa sidoo kale lagu shaaciyay wareegtada in TV-gu uusan qaadaneyn shaqaale cusub ilaa amar dambe, iyadoo arrintan ay ka dambeysay markii si weyn baraha bulshada loogu dhaleeceeyey shuruudo anshax xumo ah oo lagu soo saaray qoraal lagu xayeysiinayey gabdho cusub oo la shaqaaleysiinayo.

Dadka soomaaliyeed oo ah dad diin,dhaqan iyo akhlaaq ley ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka wasaarad warfafinta kasoobaxay ee ku aadan in ay shaqaaleysiinayaay gabdho Hubqaad leh taas oo ay kumacneyeen umada soomaaliyeed meel kadhac iyo gef loogeestay gabdhaha sharafta badan ee soomaaliyeen

Hoos ka akhriso qoraalka xilka ka qaadista