Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya koonfurta Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax khasaare sababay
Qaraxa ayaa ku soo aaday Xilli halkaasi ay ka socotay soo dhowaynta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo Galabta soo gaaray Gaalkacyo.
Qof ismiidaamiyay, ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay Afaafka hore ee Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise, oo ay ka socotay soo dhowaynta, waxaana Qaraxaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka Qaraxa ku geeriyooday, waxa kamid ah Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen Qooje , Duqii hore ee Gaalkacyo Qaybta Puntland Maxamud Yaasiin Tumay iyo Saraakiil klae oo aan weli magacyadooda la sheegin
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com