Taliyihii hore ee NISA oo sheegay in uu ka badbaaday isku day dil

Waxaa xalay lagu rasaaseeyay agagaarka Bar-koontorool oo ku taalla Isgoyska Marinaayada ee Magaalada Muqdisho Gaadiid uu watay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in, isaga la ogyahay in uu ahaa Taliyihii hore ee NISA si ku talo gal ah loo rasaaseeyay, balse rasaastaas aan wax dhibato ah kasoo gaarin.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada rasaaseeyay aysan aheyn kuwa Booliska Soomaaliya ee Koontoroolka joogay, balse ay ahaayeen Ciidamo la magic baxay Duufaan oo uu sheegay in xalay la geeyay halkaas, sidoo kalena falkaas uu ahaa isku day dil.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in mas’uuliyad darro ay tahay in isaga oo kamid ah dadkii Ciidamada soo dhisay ay rasaaseeyaan, isla markaana aysan ku cabsan doonin in Magaalada lagu rasaaseeyo laguna handado.
Dhowr jeer Oo hore ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda waxaa ay magaalada muqdisho ku rasaaseeyeen Gaadiid ay wateen mas’uuliyiin kala duwan, sida Guddoomiyihii degmada Hodan oo la dilay horaantii Sanadkaan iyo Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka badbaaday iyo dad kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com