Taliyihii Ciidanka Nisa ee Dhuusamareeb oo Qarax lagu dilay iyo dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Taliyahii Ciidanka Nisa ee Dhuusamareeb C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon ayaa ku dgeeriyooday  qarax lala beegsaday gaari uu saarnaa oo marayay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

wararka ayaa sheegaya Taliyaha dhintay iyo  Ciidanka iyo ilaaladiisa  ay marayeen  Agagaarka  deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa iyo 14 qof ooIlaladiisa ahaa   ay ku Nafwaayeen qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa lagana maqlay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Ceel Dheere ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Galmudug  iyo  Alshabaab in halkaas uu ka dhacay balse lama oga khasaraha dagaalka marka laga reebo qaraxa oo uu ku dhintau Taliyhii Nisa ee Dhuusamareeb iyo Ilaaladii la socotay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com