Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay gobolka Galgaduud tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii June, ee sanadkan..

Taliyaha Xiidanka Xoogga dalka iyo saraakiil Mareykanka ayaa booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay Galcad ee Gobolka Galgaduud halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale booqday Fariisimaha  ciidamadda dowladdaFederaalka Soomaaliya  iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka degmada Galcad oo kamid ah goobahii muddo  badan ay heysteen Al-Shabaab, balse lagala Wareegaay  .

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa Markii u garaydegmada Galcad waaxa uu   warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada ku sugan Farumaha dagaalka ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka war bixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Sidoo kale,  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo goobta ka hadlay ayaa ka Faah faahiyay Ujeedka safarkiisa, wuxuuna sheegay  inuu salka ku hayo isbarasho iyo kala xog-qaadasho.

Ugu dambeeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Amray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isku diyaariyaan Waejiga labaad Hawlgallada ka dhan  ka ah Al-Shabaab oo la filayo in uu ka bilowdo qaybo badan oo ka tirsaan gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com