Taliyha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay saraakiil ka Tirsan Amisom

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida amniga loo sugi lahaa.
kulanka Taliyaha Booliska Soomaaliya uu la qaatay saraakiisha Amisom ayaa ku soo aadaya xilli Amisom iyo Booliska Soomaaliya lagu wareejiyay sugida Amniga goobaha doorashooyinka ay ka dhici doonaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com.