Taliye Xijaar oo kulan la yeeshay Safiirka Uk ee Soomaaliya

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, iyo Safiirka Dawlada Britain ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wada sheekeeystay waxyaabo badan oo qayb ka ah xoojinta taageerada Uk ee Soomaaliya iyo arimaha doorashooyinka dalka

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho,waxaa labada dhinac ay is dhaafsadeen warbixino iyo talooyin la xiriira sugida amaanka goobaha doorashooyinka iyo sidii dawlada Uk kaalin ay uga qaadan lahayd talaabooyinkaasi.

Taliye Xijaar ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dawlada  Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com