Taliye Tareedisho oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Kulan looga hadlayay Amniga & la-dagaalanka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka qabsoomay degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo kulanka ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 27aad ayaa Kulanka looga dhageystay warbixin la xiriirta dhanka amniga degmada iyo degaannada hoostaga, iyaga oo sheegay in uu yahay mid wanaagsan, balse ay jiraan dhibaatooyin la xiriira isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed qeybta 27aad janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen degaannada hoostaga degmadaBuulo-burde guulo waaweyn laga garay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada dowladda ay weli howlgallada wadaan, isla markaana dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab si looga saaro degaannada kala duwan ee Gobolka Hiiraan.

Warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed qeybta 27aad janeraal Axmed Maxamed (Tareedisho) ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan degaanno hoostaga degmada Buulo-burde ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com