Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray M/Baladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raagge ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha waxaa wehliyay saraakiil sare oo Amisom ka tirsan, waxaana soo dhaweeyey cutubyo ka tirsan ciidanka.

 Ujeededka Safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in ay uu ku saabsan tahay dar dargelinta Hawgalada ka socda gobolka Hiiraan iyo sidii loo tayaynlahaa dhamaan ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Hiiraan iyo qalabka ay heystaan

Sidoo kale Safarka Taliyaha CXD gobolka Hiiraan ayaa la xiriirta sidii go’doonka looga  qaadi  lahaa degaanada gobolka Hiiran ee ay ku sugan yihiin Alshabaab islamarkan muddo sanado ah shabaab ay go’ doomiyen isu socodka degaanada qaar ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com