Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu lau soo qabanayo , Kooxihii ka dambeeyay dilkii maalin ka hor loogu geystay Gobolka Galgaduud Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya .
Taliyaha Ciidanka Xoogga Daka Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raage, ayaa shaaciyay in falkaas aan lala xiririn karin arrin Aana qabiil, balse ay rumeysan yihiin inuu ka mid yahay falalkii ay dadka ku leyn jireen Argagixisada
“Looma nisbeyn karo qabiil iyo cid gaar ah, waa fal ka mid ah falalka ay fuliyaan Argagixisada ee lagu yaqiinay in dhiibba umadda Soomaaliyeed iyagoo aan kala fiirin jirin ay ku daadin jireen”ayuu yiri Gen. Odawaa
Taliyaha ayaa Tilmaamay , in ciidamadu ay amar cad ku qabaan meesha ay galaan in loogu daba-galo kooxihii ka dambeeyay, falkii lagu dilay Saraakiisha, isla markaana ka dalbaday shacabka in aysan marnaba gabaad ka helin Kooxahaasi.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com