Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya oo pakistaan kula kulmay dhigiisa Dalkaas

Sarreeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa maanata booqday xarunta ciidanka Cirka ee dalka Bakistan ee ku taalla magaalada Islamabad.

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya markii uu halkaa tagay waxaa si diiran u soo dhaweeyey taliyaha ciidanka cirka ee dalka Bakistan Marshal Mujahid Anwar Khan. Ka dibna taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya waxaa lagu qaabilay xafiiska taliyaha ciidanka cirka ee Bkistan.

Labada taliye ee ciidanka Cirka Soomaliya iyo Bakistan ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo la xiriira iskaashiga iyo is fahamka labada dal.

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sarreeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable beylood ayaa ammaanay taariikhda faca weyn ee ay leeyihiin ciidanka cirka ee Bakistaan isagoo sidoo kale ku ammaanay guulaha ay gaareeen iyo horumarka ay ku tallabasadeen sanadihii ugu dambeeyey.

Sidoo kale wuxuu xusay xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Bakistan iyo Somalia , isagoo sheegay in ciidanka cirka Bakistaan ay gacan ka geysteen tababarka ciidanka cirka ee Soomaaliya .

Labada taliye ayaa isla soo qaaday qaabka loo sii xoojin karo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya labada ciidan cir ee Soomaliya iyo Bakistan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com