Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay Nin katirsanaa Al-Shabaab

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Xubnin katirsanaa Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Mustaf isxaaq Ali (Boorow ), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mustaf Boorow ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada, wuxuuna ku jirey Mudo 2-Sano ah isagoona dagaalo Dhowr oo ka dhacay Gobalada Baay iyo Galgaduud uka qeyb qaatey.

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta waxaa uu ku sheegay sababta uu uga soo tegay Al-Shabaab inay tahay dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mustaf Boorow ayaa sidoo kale ragga kale ee ku jira Al-Shabaab ugu baaqey in ay isaga soo baxaan, isla markaana ay isku soo dhiibaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.