Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay Weerar shabaab lagu qaaday oo ka dhacay shabeelaha Hoose

Taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay  Howlgal  ay Ciidanka Danab ka sameeyen gobolka Shabeelaha Hoose.

Gen Odowaa yuusuf ayaa in howl-galkaasi  lagu beegsaday xubno ka Titrsan Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in Hawlgalka uu ka dhacay jidka ee isku xirta Qoryooley & Janaale.

Gen Odowaa ayaa Sidoo kale wuxuu Caddeeyay in lagu dilay Hawlgalka in ka badan 20 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, waa sida uu shegayee .

Taliye Odowaa ayaa Tibaaxay  in howlgalka  uu socdo , dhibaato lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Ma jiro wax  war ah oo ka soo baxay Alshabab oo ay uga hadleen weerarka  Weerarka lagu qaday

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com