Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo guulo ka sheegtay Hawgalo ay ka Sameeyeen Balcad iyo Afgooye

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha Hoose , howlgalkaas ay qaadeen ay qeyb ka ahayd  duqeymo dhinaca cirka ah.

“25 qof oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahano l ayaan ku dilney howlgaladan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15 kalen, waxaana ka mid ah amiirkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanadan,”ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Hawlgaal uu ka dhacay inta u dhexeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka Tirsan gobolada Shabeelaha Hoose iyo shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Hawlgalkaan uu ka dhacay degaanada Basra iyo Daniga Halkaas oo Alshabaab Fariisimo ay ay ku lahaayeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com