Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa kaWar bixiyay dagaal shalay Ciidanka dowladda oo ay weheliyaan kuwa koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Baay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto . Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaan lagu magacaabo Mitir oo 11 Kiilo Mitir u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal saacado badan qaatay.
Waxaa uu sheegay Taliye Oadwaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin.
Generaal Odowaa ayaa tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen waana sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com