Taliska Ciidanka xooga oo Galmudug kaga dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka janeraal Maxamed Caddow Cali {Sanka} ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga ay kaga sugan yihiin degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sheegay in ujeedka kormeerkooda uu ahaa sidii ay ugi kuurveli lahaayeen xaalada Ciidamada ay ku sugan yihiin iyo xaaladaha kajira Xeryaha Ciidamada.

Taliyaha ayaa sidoo kale Ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan howlgallada degaannada Galmudug looga saarayo Ururka  Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu baaqay Ciidamada qeybta 21aad ee ku sugan Xerada degmada Cadaado inay sugaan Amniga degaannada Galmudug, dowladda Soomaaliyana u diyaarisay Qalabkii ay ku howlgelli lahaayeen

Degaano iyo degmooyinka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro lagu qaado Saldhogyada Ciidamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com