Taliska Ciidanka PSF oo ka war bixiyay Maxaabiis ay ka soo Furteen Alshabaab

Ciidanka Amniga PSF  ee puntland, ayaa sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaal shalay ka dhacay buuraleyda Gobolka Bari.

Taliska Ciidanka PSF puntland ayaa  sheegay  in Al-shabaab kii Habeen hore weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, ay shalay ku qaadeen hawlgal qorshaysan, islamarkaana ka dileen 20 xubnoo, halka afar maxbuusna ay ka qabteen.

Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay  Al-shabaab uga soo furteen maxaabiistii  ay Haben hore kala baxeen xabsiga weyn ee boosaaso.

Sidoo Kale Taliska Ciidanka PSF ayaa u mahadceliyay Laamaha kala duwan ee Ciidamada Puntland oo ka qayb-galay hawlgalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com