Taliska Ciidanka Dawlada ee Gobolka Hiiraan oo sheegay in Alshabaab iyo Jabhada Jeneraal Xuud ay isku mid yihiin

Jeneraal Saalax Yacquub Cali oo ah Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka qaybta 27aad ayaa shaaca ka qaaday in la soo qaban doono Jeneeraal Xuud oo Hogaamiya Jabhad mucaaradku ah Maamulka Hirshabeele

Jeneraal Saalax Yacquub oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ayaa ka war bixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo Weerar uu Jabhada uu Hogamiyo Jeneraal Xuud ay ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidanka Dawlada ay ku lee yihiin Bartamaha Magaalada Baladweyne Waxana uu shegay in weerarkaasi uusan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidanka Dawlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeele ee Halkaasi ku sugan

Waxaa uu yiri ‘ Jeneraal Yacquub in nasib darro ay tahay in weerar basuuke loo adeegsdo Magaalad dhexdeeda taasi waxa ay caddeyneysaa in jeneraal Xuud iyo Alshabaab ay isku mid noo yihiin ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka qaybta 27aad ayaa sheegay in Ciidamo ka Tirsan Militariga Dawlada Soomaaliya ay ku raad joogaan Jeneraal Xuud gacantana ku soo dhigi doonaan si cadaalada loo horkeeno.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com