Taliska Ciidanka Danab oo beeniyay in ay ka qayb galeen dagaalka Laascaanood

Taliyaha ciidamadda Kumaandooska  ee Danab Axmed Cabdullaahi Nuur oo loo yaqaano (Beeryare) ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamad Danab ay ka qayb galeen Xiisada dagaalada ee  ka Taagan Magaalada  Laascanood.

Taliyaha Ciidanka Danab  Beeryare ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidan ka tirsan Kumaandooska Danab ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo kuwa dadka deegaanka reer Laascaanood.

War qoraal ah uu taliyaha Kumaandooska Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Danab iney qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan inuu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021, Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliyaha in ciidanka Danab u jeedkoodu inuu yahay la dagaalankaAlshabaab iyo Alqaacida , islamarkaana aysan suurtagal aheyn in laga weeciyo ujeedkaasi oo ay ka mid noqdaan dagaalada salka ku haaya arrimaha qabiilka, hadii taasi ay dhacdana askarigii sameeya uu ku weyn doono xubinimadiisa ciidanka.

Hadalkaan kasoo yeeray taliyaha Kumaandooska Danab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan si weyn loo faafiyay in dagaalka Laascaanood lagu dilay nin taliye horay uga soo noqday guutada afaraad ee ciidamada kumaandooska ciidanka Danab.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com