Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo sheegay in ay Fashiliyeen Qarax Ismidaamin ah

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay Fashiliyeen sheegay qarax is-miidaamin ahaa oo la doonayay in lagu wax yeelleeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

Qoraal kooban  oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida

“Abaarihii 11:25 AM, ayey Ciidanka Boliisku degmada Xamarweyne heleen xog ku saabsan Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonaya inuu ku halligo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa eryaday, ka dibna Jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin”.

Taliska ayaa sheegay in wixii faah-faahin ah eek u saabsan arintaan ay la wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com