Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Sameeyay Xilka qaadis iyo Magacaabis

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed  Gen .Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka ka qaaday Taliyihii qeybta Waliyow Cade ee booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Siyaad.
Xilkaan ayaa loo magacaabay Yaasiin Nuur Kheyre oo ku magacdheer Yaasiin Ganeey.
Sababta Taliyahii  qaybta Waliyow Cadde ee Booloska Soomaaliya xilkii looga qaaday ayaa lagu sheegay  Iskuulka Hoyga Xamar ee shalay aroortii hore ay burburiyeen qaybo ka mid ah dhismahiisa ciidamada booliska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in tallaabo adag ay ka qaadi doonto saraakiishii, askartii iyo shaqsiyaadkii kale ee qeybta ka ahaa in la burburiiyo iskuulka Hoyga Xamar oo ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Dhinaca kale, Taliyahii Booliska DegmadaXamarweyne ayaa xilka laga qaaday iyadoo taliye kale lagu badalay

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa ku dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay agagaarka saldhiga degmada xamarweyne kaas oo dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo daaweeyo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com