Taliska Ciidanka Booliska oo ka warbixiyay Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Qaraxii caawa ka dhacay degmada shingani kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo qoraal soo saaray Qaraxa ka dib ayaa ka warramay khasaaraha ka dhshay Qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa ee Caawa ka dhacay maqaayad ku taala agagaarka Sldhiga Degmada Shingaani kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac ah.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa u qornaa Sidaan:

 

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Booliiska Degmada Shangaani,” ayuu yiri’ Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo qoraalkaan soo qoray.

Qaraxaan khasaraha dhaliyay ee caawa ka dhacay Degmada Shingaani ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com