Taliska Ciidanka Booliska oo ka warbixiyay Hawlgalo ay ka sameeyeen Muqdisho

Taliyaha ciidanka booliska Sarreeye Guuto Cabdi Xijaar ayaa ka hadlay dhac Maalmihii dambe loo geysanayey shacabka ku nool Xaafado ka Tirsan  Muqdisho iyo Hawlgal lagu soo qabtay dhalinyaro la sheegay in ay dhac ka geysanayeen qabo ka mid ah Xafadahaasi.

Taliye Xujaar  ayaa sheegay in illaa 30 dhalinyaro ah lagu soo qabtay dhaca loo geysanayo shacabka ku dhaqan Muqdisho, isla markaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan maalmaha soo socda.

Sidoo kale  Taliye Xijaar , ayaa waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan Kooxo ka Tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo soo galay gacanta Hay’adaha Amniga ee booliska.

Dhan kale Hawlgalo ay cidanka Booliska ka sameeyeen xaafado ka Tirsan degmada Yaaqshiid ayay ku soo bandhiga Afar qori iyo raggii watay qoryahasi oo dhac ka geysanayay xaafadaha degmadasi yaaqshiid

Booliska ayaa  soo bandhigay dhalinyaradaai iyo qoryihii ay wateen iyosidoo kale  mooto Bajaaj, iyo faleefoono ay dad ka soo  dhaceen waxaana booliska uu sheegay in dhawaan sharciga la horgeyn doono.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com