Taliska Ciidanka Booliska oo Faah Faahiyay Qarax xalay ka dhacay Muqdisho

 Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa ka war bixiyay Qarax xalay maqribkii ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada KPP iyo Bakaaraha

Afhayeenka ayaa sheegay Qaraxa uu ka dhashay ka dib markii kooxo ka Tirsan Nabad diidka ay miino ku tuureen waaxda kacaan ee degmada Hodan,waxaana uu intaasi ku daray in ciidanka booliska ay ku guulesteen in ay fashiliyaan miino ay doonayeen in ay Dadka ku dhibateeyaan Dadka shacabka ah ayuu yiri’ Afhayeenka Ciidanka Booliska mana jirto ilaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay miinada islamarkaana warbaahinta loo soo bandhigay.

Israsaaseyn xooggan ayaa xalay ka dhacdayMagaalada Muqdisho balse Afhayeenka Ciidanka Booliska wax faah faahin ah kama uusan bixin Israsaaseynta iyo halka ay ka dhacday.

Maalmihii la soo dhaafay magalaada Muqdisho waxaa ka jiray qaraxyo wadada dhinaceeda la dhigayay oo lala eeganayay dadka mas’uuliyiinta ah waxaana mas,uuliyada qaraxyadasi inta badan sheeganayay Alshabaab

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com