Taliska Ciidanka Booliska oo Faah Faahin ka bixiyay Qaraxii maanta Muqdisho ka dhacay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray qaraxii ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

Warsaxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in Gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Boolika Soomaaliyeed

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com