Taliska Ciidanka Booliska oo Amar dul dhigay hoggaanka CID

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saakay kormeeray qeybta Faraha ee hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xog wareystay qaar kamid ah Shacabkii ku sugnaa Xarunta ee loo adeegayay, isaga oo wax ka weeydiiyay sida ay u socoto Shaqada Xarunta iyo hadii ay cabasho qabaan.

Taliyaha ayaa u kuur galay hanaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, wuxuuna howsha socota ka wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adeegayay, isaga oo Saraakiisha faray in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheehan tahay loogu adeego shacabka.

Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da ayaa waxaa ay kamid tahay Xarumaha dowladda Soomaaliya ee Shacabka loogu adeego, isla markaana cabasho la xiriirta in lacago laaluush ah Shacabka looga qaado ay ka timaado, waxaana taliyeyaasha isaga kala dambeeyay Booliska Soomaaliya ay mar walba tagaan Xaruntaas oo aan wax isbedel ah laga dareemin.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com