Taliska Ciidanka Asluubta oo soo saaray Awaamir lagu aruurinayo Caruurta Darbi Jiifka ah

Taliska ciidamada Asluubta soomaaliyeed ayaa amar kasoo saaray carruurta iyo dhalinyarada darbi jiifka ah waddooyinka Muqdisho.

Howlgalkaan looga uruurinayo waddooyinka Magaalada Muqdisho dhalinyarada maandooriyaha isticmaala ayuu taliska ku sheegay mid bilicda lagu soo celinayo qofka iyo magaalada intuba oo ay sawir xun ka bixin jireen.

Afhayeenka Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle sare C/qani Maxamed Qalaf oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayuu sheegay in howshani ay tahay mid muddo soo socotay.

Taliska Asluubta waxay sheegeen in marka qofka la qabto la geynayo xarun dhaqan celin ah,kadibna wax la bari doono,si kadib uu qaranka ugu shaqeeyo.

 

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com