Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in la xirayo Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus oo qofkii ugu horreeyay laga helay Muqdisho, kaasi oo ay dowladda karantiishay.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed oo War qoraal ah kusoo qortay barteeda Facebook ayaa waxaa ay ku sheegtay in Xarumaha faraha ee CID-da la xirayo Maalita berri oo ay taariikhdu ku beegsan tahay 19/03/2020.
Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in xaruntaas ay xirnaan doonto muddo 15-maalmood ah, iyadoona Shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay in wixii berri ka bilowda ay xiran tahay Xarunta CID-da.
“Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah” ayay tiri Zakiya Xuseen.
Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay in la xiro muddo 15-maalmood dhamman Goobaha Waxbarashada ee Iskuuladda iyo Jaamacadaha ku yaalla dalka, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com