Taliska Booliska Puntland oo Amaro dul dhigay Dadka Musaafirka ah ee taga Garowe

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo warbaahinta  kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa tilmaamay  in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe  laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.

sidoo kale Sarkaalkan sheegay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com