Taliska Booliska Galmudug oo Amarro soo saaray

Taliyaha qaybta guud ee Booliiska dowlad Goboleedka Galmudug G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa Maanta soo saarey amaro culus oo la xiriira dhanka Amjiga ee degaannada Galmudug..

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliyaha lana ogeeysiiyay Wasaaradda Amniga & Gaadiidka Galmudug, Maamulada degmooyinka & dhamaan laamaha Amniga ayaa lagu mamnuucay Gawaarida Beensalka leh iyo kuwa Taarko la’aanta ah.

Kadib markii ay arkeen laamaha Ambiga Galmudug qataraha Amniga oo ay leeyihiin Baabuurta Taargo la’aanta ah iyo kuwa Beensalka ay saaran yihiin oo ay ku dhuumaaleystaan dadka ka Shaqeeya Amni darrada sida, daroogada , dilalka iyo wixii lamid ah ayaan soo saaray Amaradaan kala ah.

1: In Degaannada Galmudug lagu dhex wadan karin Gaari Bensal leh (Muraayadaha Madow).

2: Galmudug aan lagu dhex wadan karin Gaari aan laheyn Taargo sidoo kalena aan wadan Buuga iyo Taargada Galmudug.

3: In Galmudug aan lagu dhex qaadan karin hub aan aheyn kana laamaha Amniga ama mid diiwaangashay oo dowladdu diiwaangelisay.