Taabid Cabdi Maxamed oo soo dhaweeyay Magacaabista Gudiga Farsamo

Gudoomiyhii hore gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo dhawaayay Gudiga Farsamo ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ku matala Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku tilmaamay Gudigaasi kuwo si wanaagsan loo soo xulay kana tarjumi kara ka talo bixinta arimaha doorashooyinka .

Taabid Cabdi Maxamed ayaa warkan shaaciyay ka dib bartiisa face buugga oo uu qoraal kooban soo dhigay.

Waa tallaabo horey loo qaaday Guddiga Farsamo oo ay Xukuumadda Federalka #Somalia magacaawday maanta ee ka kooban DF, DG iyo G. Benaadir; si jiho loogu helo dhameystirka howlaha hortaagan hirgelinta Heshiiskii Doorashada ee 17 Sept 2020.

Waa inaan xoogga saarnaa sidii aan xal ugu heli laheyn wax kasta oo xanibaya hore u socodka dowladnimadeena. Sida darteed, waa in dhammaan mas’uuliyiintu muujiyaan xilkasnimo si loo gaaro horumarka dadkeena doonayaan.

“Qarankeena oo guuleysta, waa hankeenoo guuleysto.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com