Sweden ayaa lagu soo bandhigay soo galootiga ugu badan dalkaas ee u dhintay xanuunka coronavirus waxaana ugu horeeya Soomaalida halka ay ku xigaan Wadamada Ciraaq iyo Suuriya.
Guud ahaan 1,033 qof ayaa illaa hadda inta la ogsoon yahay ama soo gaartay diiwaanka hayadda caafimaadka bulshada u geeriyootey cudurka covid-19. Waana tiro kor u kacday 114 qof wixii shalay ka dambeeyey.
Dhanka kale tirada inta qof ee laga heley faruska ee saamiyadii tijaabada ee laga qaaday ayaa kor u gaartay 11,445, halka 530 dadkaa ka mid ahna ay ku jiraan xaaladda gargaarka caafimaad ee joogtada ah.
530 bukaan ayaa maanta gargaar deg deg ah ugu jira covid-19, halka tiro kale oo saddex boqol gaarsiisan daryeel la mid ah ugu jiraan xanuunno kale. Welina waxaa jirta awood dheeri ah oo loo leeyahay in dad intaa ka badan la qaabilo.
War kasoo baxay hayadaha caafimaadka wadanka Swedan ayaa lagu soo bandhigay in badankood dadka u geeriyoodey covid-19 marka loo eego ajnabiga ay ugu horreeyaan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, waxaa soo raaca Ciraaq, Suuriya. Waxaa soo raaca waddammada Finland iyo dalkii horey loo oran jirey Yugoslaafiya.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com