Suxufiyiin u dhashay dalka Spain oo la dilay

Labo Saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo Nin u dhashay dalka Ireland oo u ololeeya Duur-joogta ayaa lagu dilay weerar Jidgal oo xalay ka dhacay Bariga dalka Burkina Fasa.

Shisheeyahaasi waxaa la xaqiijiyey inay Kooxo hubeysan qafaasheen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Ilaha Ammaanka ee dalkaasi.

RW Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in Labada Saxafi ee lagu dilay dalka Burkina Faso lagu kala magacaabi jirey David Beriain iyo Roberto Fraile.

Suxufiyiintaasi la dilay waxay ku hawlanaayeen Filim Dukumentari oo ku aadan qaabka ay Maamulayaasha dalka Burkina Faso uga hortagaan Ganacsiga Foolka Maroodiga.

Dableyda weerarka geysatay waxaa la sheegay markii ay weerarka fulinayeen inay wateen 2 gari oo nooca dusha ka furan iyo Tobaneeyo mootooyin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Spain, Arancha Gonzalez Laya waxay xaqiijisay in labada mayd ee laga helay dalka Burkina Faso ahaayeen Suxufiyiintii Spanishka ee la la’aa tan iyo Isniintii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Dowladda Ireland waxay sheegtay inay ka war hayaan in qof u dhashay Ireland lagu dilay weerarkaasi, isla markaana ay La-hawlgalayaasha Caalamiga si dhow kala shaqeynayaan arrintaasi.

Qoraal uu Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn (RSF), Christophe Deloire soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay inay Ilo Wareedyo ku sugan gudaha dalka Burkina Faso u xaqiijiyeen in 3 Saxafi oo 2 ka mid u dhasheen Spain oo baaritaano ku hayey Ganacsiga Foosha Maroodiga lagu dilay Bariga dalkaasi.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 Askari oo mid lugta laga dhaawacay, halka kan kalena laga dhaawacay Garabka, kuwaasi oo lagu daaweeyey Isbitaalka Milliteriga oo ku yaalla caasimadda dalka Burkina Faso ee Owagadugu (Ouagadougou).

 

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com