Suuqa Boosaaso oo maanta la xiray

Ganacsatada ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu Canshuur xad dhaaf ah ku soo rogay ganacsatada Magaalada Boosaaso.

Gadood ay sameeyeen Ganacsatada iyaga oo diiddan canshuurta xad dhaafka ah ayey go’aansadeen in aysan furin suuqa maaddaama ay ka careysanyihiin Canshuuraha faraha badan ee uu soo rogay Maamulka Puntland.

Maalmo ka hor suuqa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu u xirmay Canshuur lagu soo rogay taas oo banaanbax sababtay ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ansixiyay Miisaaniyadda Puntland ee 2020 taas oo uu ka muuqday kororka dakhliga gudaha sida ku xusan saadaalinta Miisaaniyadda Puntland ganacsatadana ay aad uga biya diiddanyihiin.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com