Soomali laga soo tarxiilay wadamo dhaco Latin America oo Cawa lagu haayo Istanbul Airport.

Istanbul:-Ku dhawaad 60 ruux oo Somali Kenyan ah kuna safrayay Passapor kenya ayaa laga soo celiyay Dalalka Bolivia iyo Colombia kuwaasi oo iminka  lagu hayaa Garoonka Istanbul.
Dowlada Turkiga ayaa shegtay in dadkaasi si toos ah loogu celindoono dalka Kenya oo ay dhalasho ka heestaan.
Dadkan ayaa markii hore ka baxay Istanbul waxayna ujeedkooda uu ahaa in ay tahriib Ku galaan Dalka Marekanka.
Warqad Invitation ah oo Hal qof soo diray ayaa sabab u ah in Dadkani laga soo celiyo Bolivia iyo Colombia sida ay warbaahinta Aragticusub u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhalanyaradaas oo imkinka Kusugan Istanbul Airport.
Wadanka Turkiya oo marin u ahaa dadka tahriibayaasha ah ee ukala goosho wadamo dhaca qaarada yurub iyo Asia ayaa xiligaani waxaa kusugan tahriibayaal aad u badan oo hamigoodu yahay in ay mar uun cagta dhigaan Yurub.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com