Soomaaliya oo kaalin hoose ka gashay ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta{AKHRISO}

Warbixinta sanadlaha ee Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka lahayn ee Reporters without Borders (RSF) ayaa maanta oo Talaado ah la shaaciyey, iyadoo lagu soo bandhigay Qiimaynta Kala-horeynta 180-ka Waddan iyo qaababka ay ula macaamilaan Suxufiyiinta, dalalka xushmeeya Xuquuqda Suxufiyiinta iyo kuwa ku tallax-tegay caburinta, xariga, dabagalka, faaf-reebka,dilalka qarsoodiga iyo jirdilka aan sharciyeysnayn .

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee RSF oo la asasay sanadkii 1985-kii waxay Xaruntiisa Dhexe ku taallaa Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Sida lagu xusay Warbixinta oo loogu magac daray Tusmada Xorriyadda Saxaafadda Caalamka ee sanadka 2021-ka (The 2021 World Press Freedom Index) ayaa lagu sheegay in 73 Waddan dhamaantooda la xayiray ama si aad khatar u ah loo xanibay Saxaafadda, halka 59 dal oo kalena ay Dowlado badan u isticmaaleen aafada xanuunka Coronavirus, si ay Saxaafadda si xun ula dhaqamaan.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF, Christophe Deloire waxa uu ku sheegay inay Saxaafadu tahay Tallaalka ugu wanaagsan ee looga hortago Macluumaadka Qaldan.

“Nasiib-xumo, wax-soo-saarkeeda iyo qeybinta waxaa inta badan xaniba Siyaasadda, Dhaqaalaha, Teknoolajiyada iyo xitaa mararka qaarkooda arrimaha Dhaqanka” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn, Christophe Deloire.

Warbixinta Sanadlaha ee Qiimeynta dalalka Caalamka iyo La-Macaamiltanka Saxaafadda waxaa lagu muujiyey in Tobanka Waddan ee Suxufiyiinta shaqadooda lagu xushmeeyo, laguna xad-gudbin ay kala yihiin:

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com