Soomaaliland oo baareysa halista Caafimaad ee ay keeni karaan Taawarada shirkadaha Isgaarsiinta

Somaliland ayaa  sheegtay inay bilaabayso baarista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaadhsiinta.

Soomaaliland ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan.

Wasiirka isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta, iyo in lagu hormariyo cilmi baarista teknolojiyadda.

Waxaa horay u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan Qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen.

Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com