Soomaalida ku nool dalka Jarmalka oo ka mudaaharaaday wiil ay Boolisku dileen+sawiro

 

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa soo qaban qaabisay Mudaaharaad ay kaga soo horjeedeen qaabkii uu u geeriyooday Rooble Warsame oo 22-sano jir Soomaali ahaa kaasoo ku dhex geeriyooday 26-kii bishii Febraayo 2019 xabsi ku yaal magaalada Schweinfurt ee Bayern ku geeriyooday .

Marxuum Rooble ayaa Xilli habeen ah Kaamkii uu daganaa ay ka kaxeeyeen Booliska,  kaas oo dhallinyaro ay Kaamka wada deganaayeen.

Wardiyayaasha kaamkaasi ayaa ku guuldaraystay in ay xalliyaan buuqa dhallinyarada, waxayna u waceen Booliska, Rooble sidaasi ayuu Booliska ku kaxeystay.

Laba saac kaddib, Boolisku waxay ku soo wargeliyeen dadkii joogay kaamka in Rooble uu geeriyooday oo uu isaga is-diley, balse arintaasi way  ku adkaatay inay aaminaan Soomaalida degan Jarmalka.

Dhinaca kale, Dadkii shalay ku mudaaharaaday magaalada Hamburg waxay cabasho xooggan ka muujiyeen Sharci la`aanta haysata boqolaal Soomaali ah oo ku nool Jarmalka.

Dibad-baxayaashu waxay dalbadeen in ay helaan xuquuqda lamid ah tan muhaajiriinta kale ay haystaan.

Mudaaharaadkan oo kadhacay iridda hore ee xaruunta Baarlamaanka maamul goboleedka Hamburg ayaa ugu dambayntii waxaa loo gudbiyay Baarlamaanka waxyaabihii ay ka cabanayeen Soomaalida oo qoraal ah.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Hamburg, Axmed Nuur Ibrahim (Soomaali) oo gabagabadii ka hadlay mudaaharaadka ayaa sheegay in ay ka sugayaan dowladda Jarmalka in xal loo helo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan Soomaalida dalkan ku nool.