Soomaali badan oo ka guurtay gobolka Quebec ee dalka Canada

Jaaliyadda Muslimiinta Canada ee ku nool gobolka Quebec ayaa mar kale racfaan ka qaadatay go’aan ay maxkamadi ku macnuucday in gabdhaha xijaaban ay dhigaan iskuullada ama ay ka shaqeeyaan xafiisyada dowladda.

Tan iyo intii uu go’aankani soo baxay ayaa waxaa uu saameyn ba’an ku yeeshay muslimiinta gaar ahaan dhanka shaqada islamarkaana waxaa gobolkaasi Quebec isaga guuray Soomaali badan iyaga oo aaday gobolada kale ee Canada.

Raxma Macaalin oo ah guddoomiyaha haweenka ee Goblkaas Quebec oo aan khadka taleefoonka kula xiriiray ayaa waydiiyay rajada ay ka qabaan in doorkaan ay ku guulaystaan racfaankaa ay qaateen. waxaase marka hore waydiiyey bal sida uu go’aani ku yimid.

Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com