Somaliland oo xayiraada ka qaaday Diyaaradaha Fly Dubia

Xukuumadda Somaliland ayaa fasaxsay Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubia sida uu Warbaahinta u sheegay Cumar Sayid, Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in ay soo buuxisay shuurudihii looga baahnaa oo ahaa in aysan ku shaqeyn karin amarka Soomaaliya markii ay sugan tahay gudaha Somaliland.

Agaasimaha ayaa xusay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliyah ay qaadan karaan Amarka Somaliland.

Somaliland ayaa horay u xayirtay diyaaraddahasi ka dib markii ay sheegtay in ay jabisay amarka Somaliland.

Maamulka hawada Soomaaliya waxaa hadda laga maamulaa Muqdisho oo Somaliland horay cabasho badan uga muujisay.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com