Somaliland oo Wafdi u dirtay deegaano lagu dagaalamay

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,halkaas oo tuulooyin hoostaga uu dagaal ka dhacay.

Ujeedka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay inay doonayaan nabadeynta labada beelood ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Fadhigaab ee degmada Ceelafweyn.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee Maanta tegay degmada Ceelafweyn ayaa waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan Odayaasha Dhaqanka labada Beelood si xal loo gaaro

Maalin ka hor ayaa Soomaaliland waxaa ay Ciidamo Millateri ah kala dhex-dhigay maleeshiyaadka dagaalamay,waxaana Taliyaha Ciidanka Soomaaliland qeybta Saddexaad ee Gobolka Sanaag uu sheegay inay kala qaadeen maleeshiyaadka dagaalamay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com