Somaliland oo fartay shacabka in aanay sannadkan tagin Xajka oo ay niyeystaan

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa faray shacabka Somaliland in aanay sannadkan tagin Xajka oo ay niyeystaan.

Waxaa  uu sheegay haddii Soomaaliya ay kasoo jawaabi waydo caddaalad darro uu sheegay in lagu qaybiyay qoondada Xajka.

Saylici ayaa madaxda Soomaaliya u qabtay in muddo saddex maalmood ah ay kaga soo jawaabaan arrintan.

Saylici ayaa sheegay in 350 xaaji aanay ahayn qoondo ku filan shacabka Somaliland isla markaana aan sinaba loo aqbali karin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com