Dowlada Maraykanka ayaa dhaqaale ugu deeqday dalalka afrika ee uu saameeyey cudurka Coronavirus oo haatan dhibaato ba’an ku haya caalamka.
Wasaarada arrimaha dibeda ee dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in la ansixiyey gargaar deg deg ah oo gaaraya 274 milyan kaasoo loogu talo galay in dalalka Afrika ay u adeegsadaan dagaalka lagula jiro COVID-19.
Safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa sheegtay in 7 milyan oo ka mid ah lacagtaas loo qoondeeyey Soomaaliya oo illaa hadda laga helay kiisas kooban oo la xiriira cudurkan balse ay ka jirto cabsi iyo walaac ku saabsan inuu ku faafo cudurkan.
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com