Siyaasi Taabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay Xaalada Covid19 iyo Dibad baxa dhici doona Maalinta Sabtida

Hogaamiyaha Xisbiga Awooda shacaabka Taabid Cabdi Maxamed aya qoraal uu soo dhigay Bartiisa Face Buugga Waxaa uu kaga hadlay Cudurka Covid19 iyo dibadbaxa maalinta sabtida ah ee soo socota ka dhici doona Muqdisho ee Taariikhdu ay tahay 6/ 3/2021

Qoraalka Taabid Cabdi Maxamed soo dhigay Bartiisa Face Buugga aya u qorna Sidaan:

Baaqeena iyo talo soojeedinteena joogtada ah waxay aheyd in la heshiyo oo danta guud loo tanaasulo, waana wax wanaagsan in la heshiiyo oo xasillooni dalka loo horseedo.

Waa muqaddas dhowridda xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ee si xor u hadalka wixii uu doonayo ama diidan yahayba, laakiin su’aashu waxay tahay maxaa ka weyn in la badbaadiyo muwaadin soomaaliyeed oo wajahaya halis caafimaad ee #coronavirus, weliba sida dhaqaatiirtu sheegtay ku faafa taxadar la’aanta iyo isu-dhawaashaha.

Maanta iyada oo la ogyahay xaaladda halista leh ee #Covid19 oo da’yar & waayeelba aad u saameeyay, waxay aheyd in wixii abaabul, wacyigelin iyo awood kasta oo cilmi iyo dhaqaalaba loo jiheeyo wax ka qabashada xaaladdaha adag ee dadkeena wajahayaan haddii ay noqon laheyd abaarraha, haraadka iyo coronaviruska safmarka ah ee si ba’an dadkeena u soo ridanaya.

Mar haddii dooddihi iyo cabashooyinkii jiray fadhi lagu xaliyay. Waxay aheyd in la garowsado in banaanbax iyo xaaladda maanta lagu jiro ee tacsi u joogga ah ay isqabaneyn, waana mas’uuliyad darro in dadka xilligii laga wacyigelin lahaa isu-dhawaashaha, banaanbax loogu yeero, iyada oo laga maarmi karo.

Ugu dambeyn waxaan ku baaqayaa in maanka la shiilo, taladana dib loo ruuggo, dadkeenana loo naxo, waayo “Dadkeena waxay maanta u baahan yihiin garab la cuskado, hadii aadan garab u noqon karin, halis ha u horseedin.”

Rabbi talo ku filan.

 Xafiika Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com